Al Hilal Ayaa Lasoo Wareegtey Xidiga Reer Brazil, Neymar da Silva Santos Júnior.

PSG ayaa ogolaatay inay Neymar kaga iibiso Al-Hilal lacag gaadhaysa £77.6 milyan oo Gini, waxaana sidaas kusoo dhamaaday lix sannadood oo uu 31 jirkani ka dheelayey caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa heshiis laba sannadood ah u saxeexay kooxda horyaalka waddanka Sucuudiga ee Al Hilal, halkaas oo uu joogi doono illaa June 2025.

Neymar ayaa doonaya in uu tartan cusub raadsado xilli ay PSG diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Neymar ayaa waxa uu u xidhan doonaa kooxdiisa cusub garanka No.10 oo haddaba suuqyada lasii geliyey, waxaana ay sidoo kale kooxda horyaalka Sucuudigu albaabka ka xidhay Barcelona oo doonaysay in ay heshis amaah ah ku qaadato Neymar oo isagana ay niyaddiisa ku jirto inuu mar uun ku laabto kooxdiisa hore.

Al-Hilal oo weyday Kylian Mbappe oo ay ula diyaar ahayd in sannadkii ay mushahar u siiso £604 milyan oo Gini, ayaa waxa hadda uu Neymar u dhacayaa qayb ka mid ah lacagtaas.

X