EPL

Bayern Munich Ayaa Ugu Dambeyn Soo Xerro Gelisay Harry Kane.

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ka baxay aamusnaanta kaddib markii ay Bayern Munich si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska ay la gashay laacibkan oo ay kala soo wareegtay Tottenham oo ay kaga soo iibsatay lacag jabisay rikoodhka iibka Germany oo ah £104 miilyan oo Gini ku iibsatay.

Sida laga soo xigtay ESPN, kooxda Tottenham ayaa aqbashay dalabk Bayern Waxana haatan la dhamaystirayaa saxiixa xiddiga reer England.

Harry Kane ayaa xor noqon doona Dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa lambarkii uu ku riyoonayay u gelin doonta xiddiga reer England ee Harry Kane oo maanta ay iibkiisa kala heshiisay Tottenham, kaas oo noqon doona hoggaamiyaha afka hore ee weerarka ee Munich ee xilli-ciyaareedka dhowanta bilaabmaya.

30 jirkan ayaa waxay Bayern Munich u qorshaysay in uu xidho lambarka riyada ee uu aadka u jecel yahay, kaas oo haddaba la bilaabayo daabacaddiisa si ay taageereyaashu uga iibsan karaan dukaamada.

Xiddigan oo soo afjaray muddo 19 sannadood ah oo uu ciyaarayay Tottenham, ayaa waxa uu si qiiro leh u macasalaameeyey taageereyaasha kooxdiisa, isaga oo yidhi: “Way igu adag tahay sida ay iiga soo baxayan kalmadaha aan ku macasalaamaynayo kooxda iyo taageereyaaasha wax walba ii sameeyey intii aan ku jiray waayahayga kubadda cagta oo dhan.

X