EPL

Liverpool Ayaa Soo Xero Galisey Xidig Qad-ka Dhexe Ka Ciyaara.

Liverpool ayaa u dhaqaaqday saxiixa Wataru Endo ka dib markii ay ku guuldareysteen soo xerogelinta Moises Caicedo iyo Romeo Lavia oo labaduba ku biiray kooxda Chelsea.

30 jirkaan reer Japan ayaa qalinka ku duugay hishiis afar sannadood ah oo ay Anfield ku heynaya ilaa iyo xagaaga 2027ka.

Endo wuxuu noqonayaa saxiixii seddexaad ee ay Liverpool sameyso xagaagan ka dib Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai iyadoo Liverpool ay u baahan tahay xiddigo khadka dhexe ka dib markii Jordan Henderson iyo Fabinho ay aadeen Sacuudiga.

Liverpool ayaa xaqiijisay in ay Endo ka saxiixdeen heshiis afar sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield.

Liverpool ayaa laacibkaan khadka dhexe ku soo iibsatay lacag gaareysa 16.2 milyan ginni.

Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu xiddigu xidhan doono Lambarka No.3 oo ahaa mid uu baneeyay Fabinho oo ka tagay kooxda.

X