EPL

Liverpool oo Caqabad Kala Kulmeysa Soo Xerro Gelin-ta Moises Caicedo.

Xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo ayaa lagu soo waramayaa ku biiro kooxda Liverpool sida ay sheegayaan Wararku.

Liverpool ayaa xalay heshiis la gaadhay Brighton si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa niyad-jab weyn kala kulantay saxeexa Moises Caiedo oo illaa xalay saqdii dhexe ay rumaysnayd in uu gacanteeda soo galay markii ay £110 milyan oo Gini dul-dhigtay ee ay iibkiisa kala heshiiyeen Brighton & Hove Albion.

Chelsea oo muddo dheer raadinaysay laacibkan ayaa waxay shaacisay in aanay ka hadhi doonin Moises Caicedo oo ay wax walba u samayn doonaan sidii ay ugu garaaci lahaayeen Liverpool.

Blues ayaa diyaarisay dalab weyn oo ku dhow midka Liverpool oo ay u gudbinayaan Brighton, waxaanay haystaan garab weyn oo ka caawinaya saxeexa Moises Caicedo iyo sidii ay ugu garaaci lahaayeen Liverpool.

Moises Caicedo ayaa u sheegay Liverpool in aanu doonayn in uu ku biiro kooxdooda oo uu kaliya qorshihiisu yahay inuu u ciyaaro Chelsea, taas oo niyad-jabka ugu weyn ku ridaysa tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa.

Xiddiigan khadka dhexe ayaa la sheegay in uu diiddan yahay in uu heshiiska shaqsiga ah u saxeexo Liverpool, waana arrin aanay kooxdiisu ku qasbi karayn.

Klopp oo mar dhoweyd xaqiijiyey in heshiis iibka ah ay wada gaadheen Liverpool iyo Brighton, ayaa waxa diidmada Caicedo ay ku tahay caqabad.

Laakiin sida laga soo xigtay Sky Sport xiddiga Caicedo ayaa ka meer meeraya in uu u dhaqaaqo Liverpool waxana uu ku suganyahay London isaga oo wali sugaya Chelsea.