Waa Kuwee Toban-ka Ciyaartooy ee Ugu Mushaarka Badan Aduunka Waqtigan.

Ciyaaryahannada ugu mushaharka badan kubadda cagta ayaa la shaaciyey kaddib markii uu xiddiga reer Brazil ee Neymar ka degay waddanka Sucuudiga oo uu ku biiray naadiga Al Hilal oo ka dhigtay ciyaartoyga saddexaad ee ugu mushaharka badan kubadda cagta waqtigan.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda sucuudiga kadib markii ay Al-Hilal 80 milyan ka bixisay xiddiga reer Brazil.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Neymar ayaa mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 129.4 milyan euro sanadkii kadib heshiis 2 sano ah oo uu saxiixay.

Wargeyska Le Parisien oo helay xogta heshiiska Neymar iyo Al Hilala ayaa waxa uu sheegay in uu mushaharkiisu noqonayo £86 milyan oo Gini sannadkii, waxaana ay isku mid yihiin N’Golo Kante, halka uu laba-jibbaar ka hooseeyo Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.

Siddeed ka mid ah tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan waqtigan ayaa ka ciyaara horyaalka Sucuudiga, waxaana ku jira Sadio Mane, Kalidou Koulibaly iyo Riyad Mahrez, balse waxa tarraxaya Kylian Mbappe iyo Lionel Messi oo kooxahooda PSG iyo Inter Miami ay lacago badan siiyaan.

  • Cristiano Ronaldo - £172 million oo Gini sannadkii.
  • Karim Benzema - £172 million oo Gini sannadkii.
  • N’Golo Kante - £86 million oo Gini sannadkii.
  • Neymar - £86 million oo Gini sannadkii.
  • Kylian Mbappe - £60 million oo Gini sannadkii.
  • Lionel Messi - £39 million oo Gini sannadkii.
  • Sadio Mane - £34 million oo Gini sannadkii.
  • Jordan Henderson - £34 million oo Gini sannadkii.
  • Riyad Mahrez - £30 million oo Gini sannadkii.
  • Kalidou Koulibaly - £26 million oo Gini sannadkii.
X