EPL

Wax Ka Ogow Isku Aad-ka Wareega 8-da ee UEFA Champions League-ga Iyo Europe League-ga.

Goorma Ayaa La Sameynayaa Isku Aadka 8 Dhamaadka ee Champions League?

Isku aadka wareega 8da Champions League ayaa dhici doona saacadu marka ay tahay 14:00 Duhurnimo XGA, maalinta Jimcaha ah ee March 18, waxaana lagu qaban doonaa xarunta UEFA ee magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Isla markaana sidoo kale isku aadka semi-finalka ayaa dhici doona, siddeeda kooxood ee soo haray waxay qorsheeyaan wadadii ay ku gaari lahaayeen finalka Paris.

Waa Kuwee Kooxaha Usoo Gudbay isku aadka wareega 8da ee Champions League?

Isku aadka waxaa ka soo muuqanaya 8da kooxood ee ka soo gudbay heerka 16-ka UEFA Champions League,

Ma jiro wax sharci ah oo kala hor istaagayo in kooxaha isku waddankaa ay isku aadaan wareega 8-da ama kooxihii isku group-ka ahaa, sidaas darteed isku aadka waa furan yahay, koox walbana waa ay ka hor imaan kartaa kooxaha kale.

Kooxaha 8-da Soo Gaaray.
Atlético (ESP)
Bayern (GER)
Benfica (POR)
Liverpool (ENG)
Man City (ENG)
Chelsea (ENG)
Villarreal (ESP)
Real Madrid (ESP)

Goorma Ayaa La Ciyaarayaa Wareega 8-da ee Champions League?

Lugta hore ee wareega 8da Champions League ayaa la ciyaari doonaa 5 iyo 6 April, iyadoo kulamada lugta labaad la ciyaari doono toddobaad ka dib 12 iyo 13 April.

Habeen walba waxa jiri doona laba ciyaarood, kuwaas oo isku mar soo dhacaya, Ha moogan inaad Fiirso Hada Ka Daawato.

Goorma Ayaa La Ciyaarayaa Wareega 4-ta ee Champions League?

Kulamada semi-finalka Champions League ayaa dhici doono 26 iyo 27 April, iyadoo lugta labaad la ciyaari doono May 3 iyo 4.

Waa goorma finaal-ka Champions League?

Ruushka ayaa markii hore lagu waday inuu martigeliyo finalka Champions League ee Sanadkan 2022, laakiin duulaanka uu dalkaasi ku qaaday Ukraine ayaa ku qasbay UEFA inay finalka u rarto garoonka Stade de France ee Magaalada Paris.

Finalka ayaa dhici doona 28-ka May.

Goorma Ayaa La Sameynayaa Isku Aadka 8-da ee Champions League?

Isku aadka 8-da iyo semi-finalka Europa League ayaa ku xiggi doona isku aadka Champions League Jimcaha saacadu markey tahay 15:30 XGA.

X