Arsenal oo Kudhow Soo Xero Gelinta Daafac Bologna Riccardo Calafiori.

Riccardo Calafiori ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal isaga oo ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 4 milyan oo euro.

Laakiin labada kooxood ayaa wali wadahadalo ku jira si ay uga heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Arsenal ayaa isku dayday in ay xiddiga Jakub Kiwior ku darto heshiiska ay ku doonayso saxiixa daafaca kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori sida laga soo xigtay Il Resto di Carlino.

Gunners ayaa u furneed inay amaah ugu dirto daafaca reer Poland kooxda ka dhisan Serie A. Waxay xitaa diyaar u ahaayeen inay ku daraan shuruud iibsi toos ah sanadka dambe.

Laakiin kooxda Bologna Ayaa diiday dalabka Arsenal iyada oo sheegtay in ay kaliya doonayaan lacag toos ah.

Kooxda reer Italya ayaa kaliya doonaysa in ay ku fasaxdo xiddiga lacag toos ah si ay u iibiso inta uu furan yahay suuqa xagaagan.

Calafiori ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Mikel Arteta, waxaana uu doonayaa inuu ka ciyaaro Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

22 jirkaan ayaa 30 kulan u saftay Serie A xilli ciyaareedkii hore, isagoo Bologna ka caawiyay inay shabaqa ilaashadaan 15 kulan, isagoo dhaliyay labo gool.